July 20, 2020 | Posted by admin

Degmada Xamar weyne Guri ku yaala kana kooban saddex dabaq ayaa caawa dumay, waxaana socoto gurmad lagu baadi goobayo dad ku Hoos jira dhisamaha dumay.

Ilaa iyo hadda shan qof ayaa laga soo badbaadiyay guriga dumay oo ku yaala xaafadda Raqayga ee Degmada Xamar Weyne, halkaas oo ay iminka ku suganyihiin Kooxaha gurmadka deg deg ah ee Dowladda Hoose iyo dadka xaafada oo iskaashanaya Gurmad Xoogana wada.

Guriga dumay oo sadax dabaq ahaa owgeed Lama oga qeybta hoose ee guriga tirada dadka ku jiray, balse waxaa socoto dadaal lagu baadi goobaya dadka ku hoos jira dhismaha dumay.

La soco Faah Faahinta

COMMENTS