October 10, 2020 | Posted by admin

Gudoomiyaha Golaha shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa Caawa Cispitaalka Digfeer ee muqdisho ku booqday Ayaan Nuur Cali oo horraantii todobaadkan laga keenay tuulada xiin dheere oo hoos tagta Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud,

Ayaan Nuur Cali ayaa Dhaawac culus oo gubasha ah uu ka soo gaaray qeybta kore ( Wajiga ) ee jirkeeda waxaana ay sababsatay dab ay cunno ku karinaysay iyado oo aheyd qof qabatinta xiliyadda Qaar,

Gudoomiyaha Mursal oo Damaanad qaaday Dhammaan kharashaadka caafimaad ee ku baxaya Ayaan Nuur Cali ayaa maalinta berri ah waxaa xaaladeeda Caafimaad lagu soo dhameystiri doonaa Dalka turkiga oo berri axada ah loogu qaadi doono si baxnaano caafimaad oo dhameystiran ay u hesho,

Ayaan Nuur Cali iyo laba kamid ah Qoyskeeda ayaa ku wehlin doona safarka caafimaadka ee turkiga loogu qaado, waxaana Gudoomiyuhu u rajeeyay in iyada oo caafimaad qabta ay dib ula midowdo qoyskeeda.

COMMENTS