July 15, 2020 | Posted by admin

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxa uu sheegay in maanta ay Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne  ka hor istaageen Ciidamada AMISOM , gaar ahaan kuwa Jabuuti, xilli uu doonayay inuu soo dhoweeyo wafdi xaqiiqo raadin ah, oo doonayay iney baaritaan ku sameeyaan sababihii keenay iney bur-burto diyaaraddii shalay ku gubatay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

Cali Jeyte Cismaan oo wareysi bixiyay ayaa waxa uu intaa ku daray, inuu arrintaas u gudbiyay maamulka sare ee Hirshabeelle iyo madaxda sare ee ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ” AMISOM”.

“Sida uu qorshuhu ahaa waxaan rabnay ka maamul ahaan inaan soo dhoweyno wafdiga uu hoggaaminayay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka ah Axmed Macallin ,oo labadaba u yimid Beledweyne iney baaritaan ku sameeyaan sababaha keenay shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay garoonka Beledweyne “ ayuu Guddoomiye Cali Jeyte u sheegay Warbaahinta.

“Waxaa nasiib-darro aheyd iney aniga iyo mas’uuliyiintii kale ee ila socotay iyo weliba ilaaladeydii ay Ciidamadaasi diidaan inaan gudubno oo aan galno Airpor-ka” ayuu mar kale sheegay guddoomiye Jeyte.

Inkastoo goor sii horreysay mas’uuliyiinta wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ay sheegeen iney la kulmi doonaan maamulka Gobolka Hiiraan, haddana lama oga waxyaabaha qasbay in guddoomiyaha laga hor-istaago inuu garoonka galo.

Ma jiraan illaa iyo hadda war kasoo baxay Ciidamada AMISOM oo ku aaddan falkaasi maanta dhacay .

COMMENTS