September 22, 2021 | Posted by admin

Shir u dhaxeeyay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa caawa ku qabsoomay qadka Zoomka, iyadoo shirkan looga hadlay dardar gelinta doorashooyinka, sida dhameystirka doorashada Aqalka Sare iyo qabashada doorashada Golaha Shacabka.

waxaana warbixin looga dhageystay Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federaal, taas oo la xariirta Halka ay Doorashadu Mareyso.

Sidoo kale Ilo ku dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee caawa Qabsoomay ayaa sheegaya in la isku soo hadal qaaday in shir isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

COMMENTS