February 5, 2021 | Posted by admin

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay madaafiic xalay lagu weeraray magaalada Dhuusamareeb oo ay ku sugan yihiin madaxda dowlada federalka iyo kuwo dowlad goboleedyada.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ay ku dileen in ka badan 10 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab

“Ciidanka Xoogga dalka ayaa howgal qorsheysan oo ay xalay ay fuliyeen waxa ay ku dileen illaa toban ka tirsan argagaxisada Alshabaab qaar kalana nolosha ayay kusoo qabteen”ayuu yiri Wasiirka Amniga Galmudug.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay gaadiidkii ay wateen,hoobiye iyo hub fudud oo ay u adeegsanayeen weerarka.

Dhinaca kale, taliyaha Ururka 15-aad ee Kumaandooska GorGor Maxamed dhakawayne ayaa xaqiijiyay in ay Ciidamadu gacanta ku hayaan, Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud oo ay kujiraan 2-BKM, nin dhaawac ah iyo 8-meyd ah oo ay ka carareen.

Taliyaha oo warbaahinta kula hadlay duleedka Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay hubkii ay ka furteen Al-Shabaabkii iyo meydadka xubno uu sheegay in ay ka tirsansan yihiin Shabab.

COMMENTS