October 17, 2020 | Posted by admin

Ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa xalay gurigiisa magaalada Muqdisho kasoo xiray ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu taajirsan Soomaaliya.

Lama oga sababta ka dambeysa in la xiro ganacsade abuukar cumar cadaan haseyeeshee Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa wareysi uu dhawaan siiyey Idaacada kulmiye ee magaalada Muqdisho, waxa uu ku yiri ” Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa.”

Dowladda Soomaaliya oo xirtay ganacsadahaan Faah Faahin kama bixin sababta Loo xiray Abuukar Cumar Cadaan

COMMENTS