October 16, 2014 | Posted by admin

640x480xqeybdiid.jpg.pagespeed.ic.DzEUMCIjv3
Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in maamulkiisu si weyn uga soo horjeedo Heshiiska ay gaareen Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ku tilmaamay heshiiska la gaaray mid aan gebi ahaanba waafaqsaneyn Dastuurka Federaalka Soomaaliya yahana mid lagu doonayo in la isaga horkeeno bulshada deegaanka.

……..”Heshiiskaas waxan u arkaya inuusan ahayn mid Dastuurka waafaqsan yacni waxay iska hor-imaanayaan isagoo dhan gaar ahaana marka fiirino qodobada qaarkood oo ah awood aysan lahayn Raysalwasaaraha Iyo Puntland midna…..””ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in la isaga horkeenayo isla markaana lagu kala qeybinayo maamulkii laba gobol ee Mudug iyo Galgaduud oo heshiiskiisa lagu gaaray 30-ka bishii Todobaad magaaladda Muqdisho ee xarunta gobolka Banaadir.

……”’ Midaan waxay keeneysa dhibaato cusub ay Soomaaliya u horseedeyso haddii la diiday in midnimadii iyo dadka Soomaaliyeed in wax wadayeesho in maamul la isugu yimaado waxaasi dhibaatadoodey dabada ku wataan ………””ayuu yiri

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku eedeeyey Raysalwasaaraha dalka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed in dalka uu u kala qeybinayo Xuduudo qabiil ,isagoona sheegay in haddii xadeyn timaado ay shaqadooda tahay Guddiga Xuduudaha ee baarlamaanka Soomaaliya.

……..”’Anagu hadda Gaalkacyo ma derbigii Barlin baan ka dhisaynaa maya waa hal magaalo dad baa wada degan iyaga ka farantaa ,hadda Dowladda Federaalka shirkii iyadu abaabushay waxay ku dhawaaqay labadii gobol iney maamul wadasameystaan………..””ayuu yiri mar kale.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaaa sheegay iney xiriirkii wadashaqeyneyd u jareen Xukuumadda u hoggaamiyo Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed .

COMMENTS