July 8, 2012 | Posted by admin

Kulan weyn oo Muqdisho ay isugu yimaadeen xildhibano , Warxagarad , haween , iyo siyaasiyiin ka soo jeedo beesha Waceysle kana dhacay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayeey madaxweynaha ugu baaqeen in uu si shuruud la’aan u hawlgalo maareyihi dekeda Muqdisho ee uu dhawaan magacaabay R/wasaare Gaas iyo wasiirkiisa gaadiidka cirka iyo dhulka.

Kulankan ayaa sidoo kale baaqa madaxweynaha ka sokoow waxaa lagu taagarayey magacaabida maareyaha cusub ee xilkaas loo dhiibay oo ah nin aqoonayhan ah oo mudo ka shaqeynayey garoonka diyaaradaha Muqdisho laguna magacaabo C/laahi Cali Nuur.

Xildhibaan Dahir Gelle oo ka mid ahaa madaxdi ka qeybgashay munaasabada ayaa sheegay in sida dawladnimada lagu yaqaabo ay tahay in uu sharciga shaqeeyo oo laga gudbo nin jecleysiga iyo xigaalka , waxaana uu ku baaqay in la qadariyo wareegtooyinka

Max’ed Cabdi Shido oo ah nabadoonka beesha waceysle ugu qeybgalaya xulida xildhibaanada ayaa dhinaciisa sheegay in ay dareensanyahiin in madaxweynaha uusan la dhacsaneyn magacaabida maareyaha cusub , balse waxuu qeexay in ay muhiim tahay in la is qadariyo oo aan lagu taraxtagin nin jaceylka ,waxaana uu goobta ka cadeeyey in sanooyinki u dambeeyey beesha Waceysle loogu gardaroonayey kuraasta siyaasada .

Xubanaha shirkaas ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa xildhibaano ay ka mid ahaayeen Dahir Gelle , C/laahi Geedi , garabey jeebo iyo Afrax , dhinaca siyaasiyiinta Ismaacil Macalin Muse , C/laahi Cali Gadafey dhinaca culimada ,Gudoomiyaha Ahlsunah Shiikh Cumar Cali Rooble iyo Shiikh Muse Cagaweyne halka ganacsato badan oo magac ku dhax leh beesha ay joogeen iyo haween.

Kulankan ayaa ahaa mid u muuqday kii ugu weynaa oo xubno isku fikir ah oo waceysle ay ka qeybgalaan sanadihi ugu dmabeeyay , waxaana muuqata in hal fikir ay ka heystaan arinka magacaabida maareyaha iyo saamiga siyaasadeed ee xiliga isbadalka.

Dhawaan ayuu R/wasaare Gaas u magacaabay dekeda Muqdisho inuu maareye ka noqdo C/laahi Cali Nur oo ka soo jeedo beesha Wacesle , ha yeeshee waxaaa rinkaas ka horyimid madaxeyne Shariif.

Dhinaca kale waxaa shirkii manta laga soo saaray gudi ka kooban ilaa 11 xubnoo oo isugu jira xildhibaano iyo ganacsato kuwaas oo la kulmi doona madaxweynaha iyo R/wasaaraha si ay u sii amba qaadaan qorshaha dhaqangalinta magacaabista maareyaha cusub.
















COMMENTS
  1. Hadafo Germany said:

    Asc .Maashaa allah , Mudo dheer Kadib in aan Arko WACEYSLE oo

    Wada duuban , Hal BAAQULINA ku wada Jira. waa wax lagu farxo.

    WAA IN LAXAJIYAA MAGACA (WACEYSLE) , waa loo soo halgemay.

    Waa lidiintiina ayaa meesha keenay , DHULKA KAQAADA.

    Wabilaahi towfiiq.

  2. Shiiq saciid said:

    Ascw Wa guul in beesha waceysle hal fikir ey qaataan meeshiina kasii wada

  3. Osman said:

    Waxaa laga jiraa xili kala guur ah sidaas darteed Wacaysle halkii ay xoogooda isugu gayn lahaayeen Hogaanka Dalka ayeey Maareeye Dakakad Nin isagaba laga yaabo inaanu Kursiga dib ugu soo noqonin baryo,baaq iyo xoogooda oo dhan isugu keenayaan aad baan uga xumahay.

    Juhdigaas oo kale waligood lama aysan imaanin taariikhda hadey markaan dhacday waxay ku fiicnayd inay Hogaanka dalka siday ku iman lahaayeen kaga tashtaan.