December 9, 2012 | Posted by admin


Maxkamad ku taal gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka ayaa ku xukuntay Corey Curtis (44-jir) in uusan dhali karin wax ilmo ah ilaa uu soo cadeeyo in uu kafaalo qaadi karo oo uu korinayo.

Ninkan ayaa horay u dhalay sagaal ilmood oo uusan meel ku sheegin, waxaana ay dowladdu ku leedahay boqol kun oo dollar oo lacagta caruurta ah.

Waxaa uu ilmaha ka dhalay 6-naagood oo kala duwan, waxaana uu aqbalay xukunka maxkamadda ee ah in uusan ciyaal dambe dhali karin.

Waxa uu sheegay Aabahan in uu jecel yahay dhamaan caruurtiisa oo uu san qaarkood arkin

COMMENTS