December 9, 2012 | Posted by admin

Ciidamada dowladda iyo Kuwa Amisom ayaa gaaray degmada Mahadday ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in ciidamada dowladu ay gaareen qeybo ka mid ah degmada Mahaddaay,  iyadoo ciidamadu ay isku dayayaan in ay qabsadaan garoonka diyaaradaha Jawhar oo 15 kilo mitir u jira degmada Mahaddaay.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay fariisimo cusub ka sameysteen waddooyinka soo gala Jowhar iyo kuwa ka baxaba,  iyagoo sidoo kale fariisino ka sameystay magaalada Buurane. waxeyna ciidamadu si xeeladeysan ula wareegayaan dhamaan deegaannada hoosyimaada gobolka Sh/Dhexe.

COMMENTS