October 12, 2012 | Posted by admin

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay inaan lagala tashan dadaal dib loogu howlgelinayo dekedda macmalka ah ee magaalada Hobyo, kaasoo uu wado maamulka Galmudug.

Maamulka ayaa ka dalbaday madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid inuu joojiyo fulinta mashruuc aan loo dhammeyn oo sababi kara xasarad hor leh.

Maxamed Cumar Hagafey oo ah afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb oo wareysi siiyay warbaahinta  ayaa sheegay in golaha fulinta ee maamulkooda uu go’aan ku gaaray in la joojiyo tallaabo kasta oo aaneyn ka wada tashan labada maamul ee Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

Hagafey wuxuu sheegay in labada shacab ee Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug ay horey u dhex mareen dagaallo sokeeyo, loona baahan yahay in marka hore la gaaro heshiis la dhex dhigo labada shacab, ka hor intaan lagu dhaqaaqin go’aan hal dhinac ah.

Wuxuu ka digay in haddii la sii wado howsha dib u howlgelinta dekedda ay keeni karto dagaal sokeeye.

Hagafey ayaa sheegay in maamulkooda uu aad u daneynayo dib u furidda dekedda Hobyo macmalka ah ee magaalada Hobyo, taasoo aan la isticmaalin ku dhowaan 10 sano. Hasa yeeshee wuxuu ku xiray in lagu furo go’aan loo dhan yahay, oo ay isla oggol yihiin labada maamul.

Hadalka ka soo yeeray maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa imaanaya saacado kaddib markii dagaal xooggan uu ku dhex maray magaalada Hobyo ciidamo uu watay madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo koox hubeysan oo diiddan imaanshaha Cabdi Qeybdiid.

COMMENTS