October 22, 2012 | Posted by admin

Waxaa ka soo reyneysa xaalada caafimaad ee Wariye Maxamed Maxamuud Tuuryare, kaasoo xalay maqribkii kooxo hubeysan ku dhaawaceen degmada Wadajir.

Dhaqaatiirka Cusbitaalka Madiina ayaa sheegay in qaliin xalay lagu sameeyay wariyaha lagu guuleystay, markii laga soo saaray mid ka mid xabadii ka fariisatay caloosha.

Wariyaha ayaa wali la suuxsan qaliinka lagu sameeyay, ka hor inta aan lagu mudin cirbadihii suuxista ahaa, waxaase dhaqaatiirtu sheegeen in saacadaha soo socda uu soo naaxi doono.

Xalay ayay aheyd markii Wariye Tuuryare oo masaajid ku soo dukaday salaadii maqrib, kuna wajahnaa hoygiisa ay soo weerareen labo nin bastoolado ku hubeysneyd, kuwaasoo saddex xabadood qaarka sare ee jirkiisa kaga dhiftay.

Maamulka degmada Wadajir ayaan ka hadlay dhacdadan, inkastoo markii rasaasta dhacday ay ku soo baxeen ciidamo, isla markaana ay xabadeeyeen kooxihii weeraray wariyaha, iyagoo doonayay inay dhameystiraan.

Dilka wariyeyaasha ayaa aad ugu soo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana sanadkan gudihiisa lagu dilay ilaa sideed saxafi oo ka shaqeynayay Idaacadaha maxaliga ee Muqdisho.

COMMENTS