Wasiirka arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa sheegay inay culees saari doonaan shaqooyinka Degmooyinka Gobalka Banaadir iyo Gobalada dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Wasiir Goodax in dhamaan shaqooyinka hoosyimaada Wasaarada arimaha gudaha culeyska la saari doono, si natiijada ay unoqoto mid waxtar leh.
Maamulada Degmooyinka Gobalka Banaadir ayaa hada waxaa ku socda isbedel weyn oo ku aadan in xilalka laga qaaday Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka, halka xilalka intooda badan loo dhiibay dhalinyaro Duqa Muqdisho ay wax isugula soo barteen dalka Suudaan.
Ahmiyada isbedelada ayaa la siiyay dhalinta dibada wax kusoo baratay oo ay Saaxiibo yihiin Duqa Muqdisho, halka aan loo gacan taagin dhalinyrada dalka gudihiisa wax ku baratay heerka sare ka gaartay Jaamacadaha dalka ku yaalo.