February 22, 2013 | Posted by admin

Inta la Xaqiijiyay toddobo qof ayaa lagu dilay weerar dabley hubaysan ay ku qaadday dad ku tukanayay masaajid ku yaalla deegaanka Libooye ee ku yaalla soohdinta u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya.
Weerarka oo dhacay waqtiga salaaddii subaxnimo ee saaka ayaa ka dhacay deegaanka Malele oo ku dhowaad 25 km u jira xeryaha qaxootiga Dadaab.
Dad goob-joogayaal ah ayaa booliska Kenya u sheegay inay weerarka gaysteen siddeed nin oo ku hubaysnaa qoryaha AK47.
Booliska waxay xaqiijiyeen dhimashada dadka oo isugu jira shan nin iyo labo dumar ah. Ragga ayaa lagu dhex dilay masaajidka halka labada haween lagu toogtay dibadda masaajidka.
Weli lama garanayo sababta ka dambeysa weerarka iyo haddii uu xiriir la leeyahay argagaxisannimo ama aano-qabiil.
Sidoo kale waxaa jira dad la la’ yahay, sida ay sheegeen goob-joogayaasha.
Dilka kaddib, raggii weerarka geystay waxay gubeen guryo ka agdhowaa masaajidka ka hor intaaney ka baxsan goobta.
Guddoomiyaha degmada Gaarisa Macallin Maxamed ayaa warbaahinta u xaqijiyay weerarka, wuxuuna sheegay in ciidamo loo diray halka uu dhibka ka dhacay si gacanta loogu dhigo dambiilayaasha.
Gobolka waqooyi bari Kenya ee ay Soomaalidu dagto waxaa ka dhacay weerarradii ugu badnaa ee la xiriira argagaxisannimo tan iyo markii ciidanka Kenya ay galeen gudaha Soomaaliya dabayaaqadii 2011.

COMMENTS