November 29, 2012 | Posted by admin

Saraakiisha ciidamada ammaanka oo saakay kormeeray qeybo badan oo ka mid ah magaalada ayaa shaaca ka qaaday in ayadoo la fulinayo ammarkii madaxweynaha ee ahaa in aan isbaaro la dhigan Karin xaafadaha Magaalada Muqdisho lagu guuleystay in la qaado dhammaan Jidgooyooiynkii  yaallay Gobalka Banaadir.

Taliyaha Hayadda nabad sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta saxaafadda kula hadlay Fagaaraha tarabuunka ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in magaalada Muqdisho aysan jirin goob lacag looga qaadayo dadka ama gaadiidka, arrintaas oo uu sheegay in ciidamadu ay si joogto ah u xaqiijin doonaan, isagoo gaadiidleyda ugu baaqay inay ciidamada la soo xiriiraan haddii ay la kulmaan kooxo ay jidgooyo u taallo.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Generaal Axmed Xasan Maalin ayaa shacabka ugu baaqay inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan nabadeynta dalka, isagoo ku boorriyay inay xiriir joogto ah la yeesheen saldhigyada si loogu guuleysto kuwa dhibaatada u geysanaya.

Saraakiishaan oo hoggaaminaya ciidamada isugu jira Boolis iyo nabad sugid ayaa saakay kormeeray dhowr goobood oo ay horay kooxo hubeysan lacago sharci darro ah gaadiidka uga qaadi jireen halkaas oo aysan wax jidgooyo ah kula kulmin.

Madaxweyaha Jamhurriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowgii todobaadkaan amray in dadka iyo gaadiidka aan laga qaadi karin wax lacag ah isla markaana la qaado ku dhawaad 60 isbaaro oo magaalada Muqdisho u taallay kooxo hubeysan.

COMMENTS