February 10, 2015 | Posted by admin

300x225xCabdiraxmaan-Maxamed-Tuuryare-300x225.jpg.pagespeed.ic.A8M7iEpcKx
Dhuusamarreeb- Magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa maanta gaaray wafdi ballaaran oo u horkacayo taliyaha ciidanka Nabadsugidda qaranka Soomaaliya, Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Safarka waxaa ku waheliyay taliyaha ciidanka gaarka ah ee dowladda Soomaaliya kuwaaso si weyn u qalabeyusna,sida waxaa sheegay sarkaal ka tirsan maamulka degmada.

Taliyaha ayaa ujeeddada socdaalkiisa ku sheegay inuu ka qaybgalayo xiritaanka tababar halkaas uga socday askar ka tirsan ciidanka, wuxuuna kormeeray xaruntii hore ee ciidanku ku lahaa degmada iyo midda uu hadda ku shaqeeyo.

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa ku boorriyay ciidammada iyo shacbiga Dhuusamarreeb inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka.

Jeneraal Tuuryare ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka tirsan malleeshiyada Al-Shabaab inay isu dhiibaan dowladda, kuna soo biiraan bulshadooda.

Ammaanka guud ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ad loo adkeeyay iyadoo la filayo in uu gaaro madaxweyne,Xasan Sheekh Maxamuud,Dhuusomareeb ayaa waxaa hore ugu sugnaa wufuud kala duwan oo ka qeyb-galaysay shir lagu tilmaamay dib u heshiisiinta beelaha gobollada dhexe.

___

COMMENTS