December 11, 2012 | Posted by admin

Waxaa magaalada Muqdisho xalay ka dhacay qarax Bam nuuca gacanta laga tuuro waxaana lala beegsaday fariisin ciidamada dawlada kulahaayeen degmada Yaaqshiid.

Qaraxa ayaa waxa mas’uuliyadiisa sheegta Ururka Al shabaab waxaana ku dhaawacmay Taliyihii ciidamada laanta Towfiiq Korneel Daba-cade kaasi oo lagu dabiibayo Cusbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil Katirsan Dawlada Somalia iyo Maamulka degmada Yaaqshiid ayaa waxay ka gaabsadeen xiriir aan la sameynay iyadoo wararka madaxa banaana ay sheegayaan inay maqlayeen qarax dhacay iyo rasaas xigtay.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid waxaana dad ku dhaqan degmadaasi ay habeenadii dambe ka cabanayeen falalka amni daro ee kusii kordhayey xaafadahooda sida dilalka iyo qaraxyada.

Sarkaal uhadlay Al shabaab ayaa waxa uu sheegay inay dhaawac culus ugeysteen Taliye Daba-cade oo hogaaminayey ciidamada dawlada ee kusugan Laanta Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Ma ahan markii ugu horeysay oo muqdisho qarax uu waxyeelo kasoo gaarto dad shacab ah ama ciidamo dawlada katirsan uu ka dhaco magaalada waxaase inta badan looga bartay qaraxyadaasi inay fuliyaan Al shabaab.

COMMENTS