April 16, 2014 | Posted by admin


Ciidamada Somaliland ayaa maanta gudaha u galay oo qabsaday degmada Taleex ee gobolka Sool oo fadhiisin u ahayd maamulka Khatumo. Wararka ayaa sheegaya in degmada ay haatan ka jirto xiisad.

Afhayeenka ciidanka Somaliland, Cismaan Cabdillaahi Saciid ayaa VOA u xaqiijiyay qabsashada Taleex, wuxuuna afhayeenku ku dooday in Taleex ay ka mid tahay deegaannada Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya inay dhaceen iska-horimaad, balse ilaa imika lama xaqiijin karo in khasaare ka dhashay iyo in kale.

Degmada Taleex ee gobolka Sool, waaa goobtii lagu dhisay maamulka Khatumo.

COMMENTS