January 30, 2013 | Posted by admin

Iyadoo ay Ciiddamadda AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia sii wadaan Hawlgalldda ay kula jiraan Kooxda Alshabaab, ayaa waxaa soo baxayo inay Dagaalyahannadda Alshabaab u kala firxadeen jihooyin kala duwan, sida uu ku waramay Madaxa Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somlia.

Ambassador Mohamed Salah Anadif ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweynihii 20-aad ee Hoggaamiyayaasha Qaaradda Afrika oo dhawaan lagu soo gebagebeeyey Xarunta Dhexe ee Midowga Afrika ee magaalladda Addis Abeba.

Ambassdor Anadif, waxa uu faahfaahiyey Hawlgalka AMISOM kula jirto Alshabaab, isagoo tilmaamay inay Ciiddamadda AMISOM la wareegeen magaallooyinka ugu waa weynaa ee ay Alshabaab ka haysteen Koonfurta Somala, wuxuuna xusay inay Dagaalyhanadda Alshabaab bilaabeen inay Nidaam Jabadayn ah ka soo qaadaan dhulka hawdka ee ay ku dhuumaaleystaan.

Waxaa kaloo uu carrabka ku dhuftay inay Sirdoonka AMISOM heleen xog la xiriirta inay Dagaalyahanndda Alshabaab noqdeen kuwo hawdka galay, kuwo dadka rayidka ku dhex milmay iyo kuwo u kala firxaday Somaliland iyo Puntland.

‘Inkastoo ay Kooxda Alshabaab cabsi xooggan ku hayso Ammaanka Gobalka, haddana waxaa jirta inay unugyo ka tirsan u kala baqooleen Puntland iyo Somaliland, si ay Hawlgallo cusub uga bilaabaan’ ayuu yiri Ambssador Mohamed Salah Anadif

Digniinta Sirdoonka AMISOM ayaa u muuqata mid ku soo beegantay iyadoo ay Dowladda Britain ugu baaqday Muwaadiniinteeda inay si degdeg ah uga soo baxaan Somaliland, si aysan falal Argagixiso ula kulmin

COMMENTS