March 14, 2012 | Posted by admin

DHULKAANI DADKA WAW DHAXAYS DHIISHAASE NINBA MEEL DHIGTAA?

Qaybtii Saddexaad

( Dastuurka iyo muqdisho)

Waxaa  hore usoo bandhigay qormoyin  oo aan kaga hadlayay  barnaamijka  (Xogwaran) ee  Telefishinka Universal oo ku saabsanaa  Muqdisho yaa leh?

Hadaba qormadan oo noqon doonta qormadii ugu danbaysay  ayaa waxaan doonayaa inaan ku bayaamiyo  oo aan kala saarno ku noolaanshaha muqdisho iyo lahaanshaha  dadka qaar baa moodayaa inaan wax muquuninayo ama nin  iska qiiraysan ahay  balse iyada  sharciga dalka u degansan aan eegayno waxuu ka qabo lahaanshiiyaha muqdisho iyo cida taladeeda wax laga waydiinayo  aan ka bogano  qodobada ku saabsan caasimada iyo maamulkeeda  (Axdiga ku meelgaadhka ama Axdi qarameedka  Dowlada ku meel gaadhka) Iyo Dastuurka qabyada  oo labaduna ka hadlayaan awoodaha maamul goboleedyada iyo Caasimada Muqdisho.

Waxaynu ogsoonahay in caalamku umad weliba leedahay Dastuur ama  heshiis umadeed ay isku afgarteen kuna midaysan yihiin qodobada iyo waxyaabaha ku qeexaan yihiina waxa ay ku kala baxayaan dhinaca nolosha iyo dhaqanka  iyo maamulka dowliga ee qof weliba ku heli karayo xuquuqdiisa  gaar ahaaneed iyo tan guud ahaaneedba waa muhiim in lagu dhaqmo inta  umadaasi ay dhawrto waxyaalaha ay ku heshiiso ee ay ku dhigtaan Dastuurkooda hadduusan diintooda, dhaqankooda,  nabadooda waxba u dhimayn . ay ka mid tahay  sidoo kale waxaa muhiima in laga dhawro heshiis umadeedkaa waxyaabo dhaawici kara qaranimada umada  ama beri meel ka dhac   fadeexad iyo fashil ku keeni kara bulshada  nabadeeda iyo nolosheeda .

Dastuurku maaha  sharci dadka qaarka xuquuq siiya dadka qaarna ka qaada xuquuqdooda mana aha wax koox  beel  ama deegaan  dantooda gaara lagu fuliyo ee waa sharci umadeed ku dhisan cadaalad iyo sinaan  kaasi  marnaba anigu uma jeedo dastuurka hada qoran  mana dhaleecaynayo balse waxaan  ka hadlayaa waxaa dastuurku yahay .

Haddaba waa su,aale maxuu dastuurka qabyo qoraalka ah  iyo axdi qarameedku ka qabaan

Caasimada iyo maamulkeeda  aniga oo aan ka beensheegayn  ra,yigaygana ku cabirayn waxaan idiin soo bandhigayaa sida ku cad labadoodaba.

Sida ku cad  axdiga ku meelgaadha ka ah, waxuu sheegay qaabka maamulada hoose, ee dowlada dhexe isugu imanaya ama federaalka caasimaduna ay ka mid noqonayso maamulada ay dowladu samaynayso sharcigooda iyo xuduudeedana dejinayso waana tan:-

QAYBTA 2AAD

JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

QODOBKA 5

MAGAALO MADAXDA SOOMAALIYA

1. Magaalo madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Muqdisho (Xamar).

2. Golaha Shacabka ayaa soo saari doonaa sharciga lagu maamulayo magaalo

madaxda.

Halkaas waxaa kaaga cad inaysan qolada dastuurka qoraysaa awood u lahayn xadaynta  iyo maamul u samaynta ama qorshaynta caasimada ee golaha shacabka iyo shacabka soomaaliyeed  khaasatan kuwa deegaanka ay khusayso maamul u samaynteeda iyo sharci dejinteedaba.

Sidan oo kale waxaa ka hadlayaa dastuurka qabyo qoraalka oo ina tusaya dhawr  qaybood oo kala duwan oo ay lagama  maarmaan u tahay talada shacabka soomaaliyeed ma jiro go,aan cad oo ilaa hadda laga qaatay maamul u samaynta iyo  cida maamulaysa  caasimada oo ku qeexan dastuurka  qabyo qoraalka ah balse sadexdan xulasho ayuu soo bandhigay iyadoo taladeeduna ay ka go,do shacabka soomaaliyeed  gaar ahaan kuwa deegaanka ku ah caasimada soomaaliya . Waxuu qorayaa dastuurka qabyo qoraalka ahi sidan:-

Qabyoqoraalka Dastuurka Loogu Talogalay Latashiga Dadweynaha

Qodobka 67aad-Magaala-madaxda Qaranka

Fiiro: Maqaamka Muqdisho (Xamar), oo ah Magaala-madaxda Jamhuuriyada waxaa loo habeyn karaa

Seddexda hab ee soo socoda mid kood, hase yeeshee go’aanka kama dambeysta ah waxaa lagu saleyn  doonaa talooyinka dadweynuhu ka dhiibtaan Dastuurka qabyada ah xiliga latashiga dadka

XULASHADA 1aad ( Caasimad Ku-dhextaal Dawlad-Goboleed)

(1) Caasimada magaala madaxda federaalku waxay ahaanaysaa magaalo ku dhextaal dowlad

goboleed.

(2) Xukuumadda dawlad-goboleedda ay magaala madaxdu ku dhextaal, iyadoo la tashatay

Dowladda Federaalka waa in ay soo saartaa sharci gaar ah oo qeexaya maqaamka Caasimada

Federaalka.

(3) Golaha maamul ee Caasimada Federaalka iyo xukuumada federaalku waa in ay ilaaliyaan

mabaadi’da xiriir iskaashiyeedka ee uu dhigayo dastuurku, waana in ay si gaar ah uga heshiiyaan

arimaha canshuuraha, xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay

ama ay degentahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala madaxda.

Qabyoqoraalka Dastuurka Loogu Talogalay Latashiga Dadweynaha

31 XULASHADA 2aad(Degmada Caasimadda Federaalka)

(1) Muqdisho waxay noqoneysaa degmo magaalo madax u ah Dowladda Federaalka.

(2) Degmada magaala-madaxda federaalku kama mid noqon karto qayb ka mid ah dowlad goboleed.

(3) Xukuumada federaalku waa in ay soo saarto sharci gaar ah oo nidaamiya is-xukun dimuqaraadi ah oo lagu maamulo degmada magaala-madaxda federaalka.

(4) Sharciga doorashooyinka federaalku waa in uu siiyaa muwaadiniinta degan degmada magaala-madaxda xaq ay ku dooran karaan wakiilo u matala Golaha Shacabka, waana in aysan matalaadaas ku waayin deganaanshada ay deganyihiin degmada magaala-madaxda Dowlada Federaalka awgeed.

(5) Dadweynaha degan degmada magaala-madaxda federaalku kuma yeelanayaan wakiilo Aqalka Wakiilada dowlad-goboleedyada.

(6) Xukuumada federaalku waxay awood u leedahay in ay dejiso shuruuc ayna maamusho dhamaan arimaha magaalo-madaxda iyadoo adeegsaneysa taxaha awoodaha la siiyay magaala-madaxda federaalka, hase yeeshee waxay awoodaheeda u xilsaaran kartaa golaha maamul ee caasimada federaalka si la mid ah sida ay ugu xilasaaran karto dowlad-goboleedyada sida ku cad qodobka 62aad ee Cutubkan.

(7) Golaha maamul ee magaala-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku waa in ay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashi ee ku xusan Dastuurkan.

Qabyoqoraalka Dastuurka Loogu Talogalay Latashiga Dadweynaha

XULASHADA 3aad (Caasimad ah Dawlad-Goboleed)

(1) Magaalo-madaxda federaalku waxay noqonaysaa dowlad-goboleed;

(2) Magaalo-madaxda federaalku kuma biiri karto gobol kale, mana noqon karto qayb dowlad goboleed kale ku dhul ballaarsato.

(3) Golaha maamul ee magaalo-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku waa in ay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashiga ee ku xusan dastuurkan. Waa in ay si gaar ah ugu heshiiyaan arimaha canshuuraha iyo xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay deggantahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala-madaxda

Ma jirto qodobadan mid dhigaya  deegaanka caasimadu waa  la wada leeyahay ama  dadka soomaaliyeed ayuu ka dhaxeeyaa  tusaala ahaana qodobkan  eeg:-

Xulashada  2aad  qodobka shanaad   waxuu qeexayaa sidan:- (5:Dadweynaha degan degmada magaala-madaxda federaalku kuma yeelanayaan wakiilo Aqalka Wakiilada dowlad-goboleedyada)

Maadama shaqsiga deegaanka reer muqdisho golayaasha gobolada kale  waxba ka noqon Karin  aqaladiisa  , barlamaankiisa iyo golihiisa deegaanka,  waa hubaal inay taasi cadaynayso ninka gobol kale kasoo jeedaana  inuusan  xaq ku lahayn ka  mid noqashada maamulka deegaanka  caasimada muqdisho maadaama aysan jirin awood ninka gobol kale ka yimid aysan jirin xeer iyo xuquuq uu kaga mid noqon  karaa caasimada iyo maamulkeeda deegaanka,

Inta badan qoraalkayga waan ku kala saaray shaqada dowlada  federaalka iyo  maamul goboleedka ama maamulka  hoose ee caasimada inay laba kala yihiin, ninkii doonaa gobolkuu doono haka yimaadee  , dowlada federaalka wasiir, agaasime  , maamule, maareeye, taliye wuu ka noqon karaa

Balse inta maamulgoboleedyada ama gobolada kale  xaq u leeyihiin maamul hoosaadka ayay caasimada iyo deegaankeeduna xaq  gaar ah u leeyihiin mana aha wax dadka kale kala dhaxeeya.

Si aan shakiga iyo muhmalka uga saarno haddaba dadka degan ama deegaanka ku ah magaala madaxda dalka soomaaliya   waxaa la gudboon ( boodo kulaylkaa lagu qabtaa ) inay waxgaradka  golayaasha dhaqanka, aqoonyahanka,  dhalinyarada  , haweenka ku  dhaqan deegaankaas  inay  ka hadlaan kana soo saaraan mawqif  midaysan  oo  aan sharciga  iyo dastuurka iyo xoriyada dalka midna waxba u dhimayn  ku xadgudbayn soomaalinimada iyo deegaan wadaaga  iyaguna ay ku helayaan xuquuqdooda  gobol ahaaneed  degmo ahaaneed iyo deegaan ahaaneed.

Barnaamijyada  laga baahino telefishinada waxay salka ku hayaan isku dir iyo belo afuuf ay  horseedayaan qaybo ka mida warbaahinta  iyo dadka jecel  iska hor imaanshaha bulshada soomaaliyeed .

Sida aan ognahay  deegaan  iyo deegaan ka mid noqosho waxay  kala yihiin laba  arimood  haddii wadamada aduunku maaha isku sharci qolo waliba waa waxay ku heshiiso iyada oo aan lagu salayn wadan hebel iyo meel hebla toona.

Waxaa haboon dadka deegaanka  gobolka banaadir ee caasimada muqdisho, degmada xamar inay  iyagu samaystaan maamul xor ah kana diiwaan geliyaan  dowlada  dhexe si ay wax ula qaybsadaan waxna ula qabsadaan walaalahooda soomaaliyeed.

Haddii dowlada federaalka ahi dejiso xeer cusub oo loo codeeyo inta sano ama inta shuruudood ee shaqsi deegaan ama gobol kale kaga mid noqon karo kuna yeelan  gobolkaas waa mid loo baahanyahay  taasina waxay saamaynaysaa gebi ahaan dalka oo dhan oo ma noqon doonto mid  ku kooban caasimada in  la wada dego ama deegaankeeda la wadaago iyo maamulkeedaba.

Waxaan ugu baaqayaa  qaybaha kala duwan ee dadka deegaanka muqdisho inay  iyagu yihiin dadka  gudiga dastuurku ka rabo inay ka hadlaan oo codkooda bayaamiyaan oo dhawaq dheer ku sheegaan xuquuqdooda iyo waxa ay doonayaan, ma  aha suuragal in lagu riyoodo in nidaamka 4.5  muqdisho lagu wadaago ama  ay noqoto meel aan la kala lahayn waa inay bulshada deegaankaas ku nooli

Si dhaba uga hadlaan ugana hortagaan gufaacooyinka siyaasadeed iyo dabinada miliqsan ee  dadka qaran dumiska ahi kula dhex wareegayaan bulshada dhexdeeda iyaga oo hurinaya colaad iyo kala fogaanshaha umada soomaaliyeed  waxaa laga rabaa shacabka soomaaliyeed intay goori goor  tahay ee aan xeedho iyo fandhaal kala dhicin  inay  mawqif cad iska taagaan reer muqdisho arimahan aan soo sheegay.

Dastuurka qabyo qoraalka ah waxuu soo jeediyay sadex talo midkood iyo waxii lagu soo dari karo

Axdi qarameedkuna sidoo kale waxuu u xilsaartay barlamaanka iyo golaha shacabka   qaabka maamul u samaynta iyo maaraynta gobolka banaadir.

Haddaba maxaa la gudboon reer muqdisho,  waa inay abaabulaan siday nabada uga shaqayn lahaayeen  deegaankoodana u horumarin lahaayeen nidaam iyo maamul ay ku midaysan yihiina uga hirgelin lahaayeen waxaa la gaadhay waqtigii dadku  xaqiiqada fahmi lahaa, dhibaatada  ugu badnayd ee ka dhacda wadanka soomaaliya  waxay qabsatay  dadweynaha degan caasimada iyo deegaankeeda hadana hadday horumar la gaadho waxay u gaar tahay  dadka degan iyo deegaankeeda sidii shalay  dhibka ugu mareen deegaankaas inay maanta  dheefteeda helaan.

Waayo ma jirin shalay dhibaatada  magaca caasimad ahaan ku gaadhay dadka ku nool gobol la qaybsaday  sidaa awgeed ma jirayo dheefta gobol ahaaneedna gobol la qaybsanayaa.

Dadka soo degay muqdisho, xiligii xoriyada ka dib ama ku dhashay ama ku koray waxay leeyihiin  xushmadooda iyo xaqdhawrkooda sida dhaqanka soomaaliyeedba ahaan jiray  in ninkii dhex dega deegaamada  soomaaliyeed  aan  dhul iyo ceel iyo dheef midna loo sheegin jirin ilaa hadana soomaalidu is dhex degto   taasi waa dhaqankii marti gelin iyo soo dhawaynta ahaa ee weligeed lagu yaqaanay  gobol welibana waa laga doonayaa arinkaas  ilaalinta xuquuqda shacabka soomaaliyeed ee aan gobolka u dhalan iyo mudnaantooda.

Sidaa awgeed waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa  Idaacadaha, Telefishinada  isku mashquuliyay arintan iyo kuwa ka qayb qaadanaya iyo kuw  laabta ku hayaaba inay ogaadaan xaqiiqada.

Waxaan halkan fariin ugu  gudbinayaa  dadka reer muqdisho inay aayahooda ka tashaadaan oo ay  talo muhiima ku darsadaan  qabyo qoraalka dastuurka iyaga oo go,aan midaysan  ku duulaya.

gebi ahaan shacabka  deegaanka caasimadu waa inay banaanbaxyo nabadeed  iyo shirar ku soo bandhigaan   fekerkooda  waana inay xuquuqdooda ilaashadaan  deegaan ahaaneed

Sadexdan xulasho ee uu dastuurka qabyo qoraalku qabona  inay tii la haboonaata hirgeliyaan .

Wabilaahi tawfiiq

Fiiro Gaara: Qof kasta oo qaba  su,aal ama  dood ku saabsan qoraalada ka hadlayaa xuquuqda deegaanka caasimada  waxaan u  ahay aniga iyo inta igu mabda, ahiba diyaar inaanu ka jaahil bixino

Wax isweydiini ma xumee wax is waydaariskaa daran:-

Waa  Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle  Galayr

[email protected]

COMMENTS