April 17, 2014 | Posted by admin


Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah Muqdisho ka dajinaysa kooxdii ugu horreysay ee ciidamo ka socda Uganda oo ilaalin doono shaqaalaha iyo xarumaha QM ee Muqdisho.

Ciidamadan oo magacoodu yahay UNGU ayaa waxay ka kooban yihiin 400 oo askari, howshooduna way ka duwan tahay tan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya.

Ciidamadan oo sannadkii hore ay ansixiyeen QM ayaa waxay ku labisanayaan ama xiranayaan koofiyada buluuga ah ee QM.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Paddy Akunda ayaa sheegay ciidankan UNGU ay ka madax banaan yihiin kuwa AMISOM, oo iyagu sii wadi doona dagaalka ay kula jiraan ururka al-Shabab.

COMMENTS