June 22, 2017 | Posted by admin

Qarax xoogan ayaa Goor dhaw ka dhacay Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi ee Gobalka Banadir.

Gaari la sheegay in walxaha qarxay laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Dirbiga Xarunta Saldhiga Boliska Degmada Waaberi.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxu ka dhashay Gaari miinaysan oo Halkaasi ku qarxay.

Qasaara ayaa jira in kastoo wili aan la sheegin Tirada Hadii Ay jiraan Dad dhintay iyo kuwa dhaawacya qaba intaba.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waa Goob aad umadhquul badan waana meel udhaw Isgooska Debka ee Muqdisho.

La soco Faah faahinta.

COMMENTS