June 20, 2014 | Posted by admin

Warar la xaqiijinaayo oo laga helay ilo lagu kalsoonyahay kuna dhaw- dhow Maamulka 6-da gobol ee uu hogaamiyo madaxweyne Madoobe Nuunow ayaa sheegaya in labada garab ee maamulka Koonfur galbeed ay ku heshiiyeen in ay wada qaataan maamul goboleed ka kooban 3 gobol.

ilaha laga soo xigtay warkaan ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha soomaliya Cabdiweli Sh.Axmed uu u sheegay garabka Madoobe Nuunow in ay adag tahay in xilligan maamulkooda aqoonsi ka helo dowladda soomaliya iyo bushada caalamkaba, iyadoo laga duulayo xaqiiqda jirtayna ay tahay in ay aqbalaan in ay labada garab ee Maamulka Koonfur galbeed ku midoobaan 3 gobol.

Iyadoo garabka 6-da ay qiimeeyay natiijadii Madaxweyne Nuunow uu ku yimid Muqdisho iyo in aysan waxba u qabsoomin oo ay dheertay wixii uu kala kulmay kulankii uu la yeeshay Nicholas Kay ayaa haddana markii ay arkeen in Gobolka Sh.Hoose oo ka mid ah gobolka ugu muhiimsan ee maamulkooda uu gacanta u galay Beesha Hawiye ayaa waxa ay mabda’ ahaan ogolaadeen in ay tanaasul sameeyaan oo ay garabka kale kala hadlaan sidii ay ugu midoobi lahaayeen maamul goboleed ka kooban 3 gobol.

Qabsashada Sh.Hoose ee Beesha Hawiye ayaa waxa ay qeyb muhiim ah ka noqotay in garabka Madoobe Nuunow ay si waaqici ah arinta u fiiriyaan waayo horay ayaa waxa ay u sheeganayeen 3 gobol oo ay ka taliyaan maamulka Jubba, waxaa haddana xigtay in Sh.Hoose oo ay qeybo badan ka talinayeen beesha Biimaal oo ka mid ah maamulka K.galbeed iyadiina ay waayeen,taas oo keentay in ay is weydiiyaan maxaa idin haray oo aad sheegataan oo aan ka ahayn Bay iyo Bakool.

Maamul ka kooban 3 gobol oo ay ku midoobaan dadka Koonfur galbeed waxa uu qeyb ka qaadan karaa in 3-daas gobol uu ka hirgalo maamul awood leh, oo ictiraaf ka hela bulshada caalamka,kana hortaga dhul-balaarsiga beelaha Hawiye ee Sh.Hoose.

COMMENTS