March 10, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Muqdisho-Qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa kulan ay uga doodayeen Dastuurka cusub ee Soomaaliya ku yeeshay xarunta Xisbiga PDP ee magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Xisbiga PDP, Daljir forum, Somali National party, Somali peace party, people’s party, Somali social unit party, Somali youth policy party iyo Somali peace & Democratic party.

Xubnaha ka socday Xisbiyada ee kulanka ka yeeshay Dastuurka ayaa iska xulay gudi matala dhamaan xisbiyada kaasi oo loogu tala galey in uu si mideeysan isugu soo duwo moowqifka xisbiyda ay ka qabaan Dastuurka cusub.

Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xisbiga PDP ayaa sheegay in Gudiga Qabyo Qoraalka Dastuurka ay ka soo dalbadeen Xisbiyada in ay ka soo talo bixiyaan Dastuurka islamarkaana moowqifkooda ay soo gubiyeen.

Sidoo kale Mahad ayaa sheegay in ay jiri doonaan kulamo kale oo ay isugu imaan doonaan Xisbiyada kuwaasi oo si mideeysan aragtidooda ku aadan Dastuurka ugu gubin doona Gudiga Qabyo qoraalka Dastuurka.

Xisbiyada dalka ka jira ee uu ugu horeeyo Xisbiga PDP ayaa horay kulamo ku aadan latashiga Qabyo Qoraalka Dastuurka

COMMENTS