July 5, 2015 | Posted by admin

Dowladda Puntland ayaa caddeysay inusan jirin wada-hadal ay lagali karaan maamulka Galmudug oo shalay loo doortay madaxweynaha maamulka,C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland, Maxamuud Xasan (Soo-cade) ayaa warbaahinta gudaha isagoo la hadlaya waxuu sheegay Puntland inaysan aqoonsaneyn doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado, isagoo ku sheegay inay ahayd mid lasoo dhoo-dhoobay.

Waxuu ku tilmaamay shirkii muddooyinkan ka socday magaalada Cadaado mid ay dowladda dhexe ee Soomaaliya soo abaabushay, isla markaana la doonayo in lagu abuuro colaado ka dhaca gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Soo-cadde waxaa kalo uu ka hadlay madaxweynaha la doortay ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed waxuuna kaga jawaabay hadal ka soo yeeray oo ahaa inuu wada-hadal la-galayo Puntland inaysan aqoonsanayn maamul Galmudug ee lagu dhisay Cadaado.

“Ma jirto mana garanayno sabab aan kuwada hadalno C/kariin Xuseen Guuleed, waxaan idiin sheegaynaa in Puntland uu yahay maamul jirta oo Caalamku aqoonsan yahay, cida aan la hadalnana waa dowlad oo kaliya,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Puntland ayaa horay u sheegtay in maamulka ka dhismaya gobollada dhexe inuu noqdo mid waafaqsan dastuurka,waxaana xilligan uu yahay maamulka gobolka iyo bar,isagoona ka hor imaanaya sharacda maamul usameynta gobollada dhexe ee u dastuurku qabo waxii ka badan labo gobol inay noqon karan maamul.

War qoraal ah oo xilli sii horaysay ka soo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay dowladda faderaalka iyo maamulka bartamaha inay wada-hadallo la galaan Puntland si loo xalliyo tabashadeeda.

Dowladda faderaalka iyo beesha caalamka midkoodna isma waydiinaya waxa ay diidan-tahay Puntland ee ah kaliya maamulka in la waafajiyo dastuurka oo loo dhameystiro labo gobol,maaddaama ay Puntland maamusho waqooyiga iyo bariga gobolka Mudug.

___

COMMENTS