December 7, 2014 | Posted by admin

Milatariga dalka Nigeria ayaa sheegaya in uu gacanta ku dhigay diyaarad sidday shixnad hub iyo rasaas ah oo ku socotay dalka deriska ah ee Chad.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddani xamuulka ah ay ka soo duushay magaalada Bangui ee dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.
Diyaaradda ayaa waxaa ilaa haatan lagu hayaa garoonka caalamiga ah ee Kano, waxaana soconaya baaritaanno dheeraad ah.
Saraakiisha ammaanka ee garoonkaasi diyaaradaha ayaa sheegaya in diyaaraddani ay sidday diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikobtarada loo yaqaano, baabuur kuwa milatariga ah oo nooca jiibta ah, sanduuq bir ka sameysan iyo ilaa lix sanduuq oo kale oo rasaas ah.
Balse rasaasta iyo hubka kale ee sanduuqyadani ku jira laguma muujin waraaqda muujineysa xamuulka ay diyaaradda wadday.
Diyaaradda ayaa haatan lagu hayaa garoonkaasi diyaaradaha ee magaalada Kano si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo basle laamaha ammaanka ilaa iyo haatan kama aysan hadlin xaaladda ay ku sugan yihiin shaqaalihii diyaaraddaasi.
Diyaaradda ayaa gacanta lagu dhigay kaddib markii ay ku degtay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi Kano si ay halkaasi shidaal uga qaadato, waxaana la rumeysan yahay in diyaaraddaasi laga leeyahay dalka Ruushka.
Dadka qaar ayaa dareensan in hubkani loo wadahay kooxda Boko Xaraam ee ka hawlgasha woqooyi Bari Nigeria gaar ahaanna deegaanada u dhow xudduudda dalka Chad.
In kabadan boqol qof ayaa usbuucii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Kano kaddib markii dad isa soo miidaamiyay ay isku qarxiyeen masaajid.
Warka ku saabsan diyaaraddani ayaa cabsi ka abuuray gudaha magaaladaasi Kano oo weli ka soo kabanaysa weerarkaasi lagu qaaday masaajidka.
Kooxda Boko Haram ayaa wali gacanta ku haysa in kabadan laba boqol oo gabdhood oo ciyaala iskuul a, kuwaasi oo bishii April ee sanadkan laga qafaashay magaalada Chibok, waxaana sidoo kale ay kooxdani maamushaa deegaanno badan oo ka tirsan woqooyiga dalkaasi Nigeria.

COMMENTS
  1. Im grateful for the blog. Will read on…

  2. It’s going to be ending of mine day, however
    before end I am reading this impressive article to improve my know-how.

  3. I really enjoy the blog article.Thanks Again. Much obliged.

  4. my response said:

    I simply want to say I am just very new to weblog and truly liked this web site. Probably I’m planning to bookmark your blog post . You really come with great stories. Thanks a bunch for sharing your webpage.

  5. Mitsuko said:

    Hello! I know this is somewhat off-topic however I needed to ask. Does building a well-established blog like yours require a massive amount work? I’m completely new to writing a blog however I do write in my journal on a daily basis. I’d like to start a blog so I will be able to share my personal experience and thoughts online. Please let me know if you have any kind of suggestions or tips for new aspiring blog owners. Appreciate it!|