August 2, 2014 | Posted by admin

Gudiga Midowga Yurub ayaa dhaqaale dheeraad ah ku daray deeq gargaar oo loogu talo galay dalka Soomaaliya, iyadoo laga jawaabayo baahida sii korortay ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sheegay in 10 million oo dhaqaale dheeraad ah ay ugu deeqeen dalka Soomaaliya, iyadoo laga jawaabayo xaalada yaraanta dhanka cunnada iyo quudinta ay u baahan yihiin caruur badan.

Dhaqaalahaasi ayaa midowga Yurub waxay ku sheegeen in lagu qaban doono dhameystirka baahida ka jirta dalka Soomaaliya sida baahida loo qabo caafimaad buuxa iyo adeegyada quudinta caruurta, biyaha, talaalka iyo hoyga ay u baahan yihiin dadka barakacayaasha ah.

“Qoysas badan waxa heysta cunto la’aan, dad badan waxay ka cararayaan guryahooda dagaalada dartood, shaqaalaha gargaarka waxay sii wadayaan dadaalka ay ku caawinayaan dadkaasi, wadanka in badan dhibaato ayaa ka jirtay”sidaasi waxaa tiri Kristalina Georgieva gudoomiayahn gudiga caalamiga ee midowga Yurub.

Kristalina Georgieva, ayaa ugu baaqday dalalka kale ee deeq bixiyaasha ah inay ku biiraan howlaha gargaarka ah ee loogu gurmanayo dad badan oo ku dhibaateysan dalka Soomaaliya,sida ay sheegtay.

Dhaqaalaha cusub ee loogu deeqay Soomaaliya ayaa gaaraya 49 Milyan oo Uero sanadkan 2014, waxaana la qorsheynayaa in la gaarsiiyo dadka sida weyn ugu baahan sida gudiga midowga Yurub ay sheegeen.

Seddex sano kadib markii qeybo kamid ah abaaro ay ku dhifteen, waxaa Soomaaliya laga sheegayay baahida ay dadka qaar qabaan inay saro u kacday, taasi oo dhalisay in wadamo badan oo reer galbeed ay dhaqaalo badan ugu deeqaan dalkeena Soomaaliya.

Inka badan 2.9 million oo dad ah ayaa la sheegay inay gargaar u baahan yihiin, waxaana 857 000 oo kamid ah lagu sheegay inay heysato xaalad adag ayna u baahan yihiin gargaar deg deg ah.

COMMENTS