December 19, 2012 | Posted by admin

Muqdishu, Soomaaliya) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha dhawaan Midowga Afrika u magaacwday Soomaaliya Mudane Ambassador Annadif Mohamat Salah.

Danjiraha ayaa Madaxweynaha ku wargeliyay inuu xafiiskiisa u suu guurayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa soo dhaweeyay guurista xafiiska Midowga Afrika kuna tilmaamay , talaab muhiim ah oo qeyb ka ah hor u socodka Soomaaliya. Halkaasna uga baaqay ururada kale ee caalamiga ah in xafiisyadooda ka furtaan Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan hirgelinta Lixda tiirar siyasadeed ee dowladda Soomaaliya.Tiirarkaas ayaa waxaa ku qoran howlaha ay dowladda qaban doonto.

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada

Villa Somalia, Mogadishu

ا

COMMENTS