July 28, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud ayaa maanta Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib kulamo uu Kismaayo kula soo qaatay hoggaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo guuldarro ku soo dhamaaday sida la sheegay.

Qodobada ay isku soo fahmi waayeen Madaxweyne Xasan Sheekh , Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah , Axmed Madoobe oo gaashaanka u soo daruuray in shir New Deal looga hadlay oo dibadda ka dhacaya uu ka qeyb galo , in lalaalo go’aankii Baarlamaanka Federaalka uu ku kala diray Golaha Wakiilada Jubbaland iyo kuwa kale.

Maamulka Jubba iyo kan Puntland ayaa la sheegay in si isku mid ah ay u qaadaceen shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo Barnaamijka Higsiga Cusub ee 2016.

COMMENTS