January 29, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shir madaxeedka Midowga Afrika.

Maadaxweynaha oo wafdigiisa ay ku wehliyaan mas’uuliyiin sare oo dowladda ka ayaa shirka Midowga Afrika ka sokow la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda Afrika qaarkood, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, iyo diblomaasiyiin kale oo shirka ka qeybgalaya.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ee dalka Ethiopia ka dhacayaa ayaa la filayaa in lagu lafaguri doono arrimo badan oo qaaradda khuseeya.

Afhayeenka Madaxweynaha Da’ud Aweis ayaa sheegay in Madaxweynaha uu shirka ka jeedin doono khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya iyo horumaradii ay dowladdu gaartay.

Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa sanadkan waxaa diirada lagu saari doonaan xasaradaha la taagan wadamada afrika iyo ka hortagida falalka Xagjirnimada.

COMMENTS