December 17, 2012 | Posted by admin

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo safar 1 maain qaatay ku tegey dalka Aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa galabta dib ugu soo laabtay dalka iyadoo Siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo maanta furay munaasabadii lagu weyneynayay 40 guuradii Kasoo wareegatay qorista afka Soomaliga islamarkaana kulamo lasoo qaatay Madaxda wadanka Jabuuti sida madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo Gudoomiyaha barlamanadka dalkaasi Idiris Arnaa,uud Cali ayaa waxaa garoonka Kusoo dhaweeyay gudoomiyaha barlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra.isuwlasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Xubno katirsan golaha wasiirada soomaliya iyo mudanayaal barlamanka federaalka ah.

Madaxweynaha oo gacan qaaday dhamaan dadkii kusoo dhaweeyay garoonka Ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada qaranka .

COMMENTS