April 12, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Kadib markii maalintii shalay ay soo shacbaxday in saraakiil katirsan ururka Al-shabaab ay gaareen Deegaanada Puntland gaar ahaan buuralayda Galgala.

Madaxwaynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh maxamed Faroole ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay ujeedo wayn ay kaleeyihiin deeganada maamulka Puntland.

Waxaa uu carabaabay in ay jiraan Al-Shabaab inay soo galeen Puntland ayna rabaan inay xoojiyaan Dagaalyahanada buuralayda Galgala.

Ururka Al-shabaab ayaa waxaa lasheegay inay Hadaf wayn kaleeyihiin Puntland kaas oo ah inay isticmaalaan bada iyo Bariga Al-qaacidada yamena ay halkaasi kasoo galaan Al-shabaabna ay ufududaynayso dagaalka Bariga iyo bada iyagoo sidoo kale kaheli karo taageero wayn.

Madaxwayne C/raxmaan Sheekh maxamad Faroole ayaa tilmaamay inay Al-shabaab lug iyo gawaariba ay kusoo galayaan Puntland qaarkoodna ay kuxireen Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ugudambayn madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay inay dowladiisa ubaahantahay tageero lamid ah tan ay hesho dowlada KMG Soomaaliya si ay ugu hortagaan Al-shabaab.

Ururka Al-shabaab ayaa waxaa hada laxaqiijiyay inay kusii qulqulayaan Puntland halkaas oo hadaba lasheegay inay kusugan yihiin Saraakiil Sar sare oo katirsan Al-shabaab Sida Sheekh Fu”aad Shoongale.

COMMENTS