January 14, 2015 | Posted by admin

Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa uu Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu ku wargeliyay, in maalinta Sabtida ah uu Baarlamaanka horkeeno Golahiisa Wasiirada, si codka kalsoonida loogu qaado.

Guddiyada Joogtada Baarlamaanka Somaliya oo saacadihii ugu dambeeyay kulan ku yeeshay Xarunta Guddoonka Sare Baarlamaanka ee Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa Ra’iisal Wasaaraha loo sheegay in Sabtida loo muddeeyay, xilligii codka kalsoonida loo qaadi lahaa Wasiiradiisa.

Mahad Cabdalla Cawad, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku dhawaaqay in Sabtida Ra’iisal Wasaaraha laga doonaayo in Wasiiradiisa uu horkeeno Baarlamaanka.

“Guddoonka waxa uu soo saaray in maalinta Sabtida ah ee soo socota Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu Barlamaanka horkeeno Golaha Wasiirada cusub iyo Barnaamijka Xukuumadda oo kooban, iyadoo lagu guda jiro dhammaadka kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Somalia.” Ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Cawad, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka ku wargeliyay in Sabtida ay soo xaadiraan kulanka ka qabsoomi doono Xarunta Golaha Shacabka, iyadoo Baarlamaanka uu go’aan ka gaaraayo Xukuumadda uu soo dhisay Cumar C/rashiid.

150 Xildhibaano, ayaa shalay iyo maanta siyaabooyin kala gedisan uga horyimid Golaha Wasiirada cusub, waxayna ku tilmaameen mid lagu soo koobay garabka taageersan Madaxweynaha Somaliya oo kaliya.

COMMENTS