January 13, 2013 | Posted by admin

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidan si gaar ah u tababaran oo Faransiis ah ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ahaa isku day ay ciidanka Faransiiska ku doonayeen inay xoog ku soo furtaan la-hayste Faransiis ah.

Goob-joogayaal ku sugan magaalada Buulo-Mareer ayaa sheegay inay maqleen guuxa helikobtar ka hor intaaney maqlin qaraxyo iyo is-rasaaseyn xooggan.

Kooxda al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay haysato la-haystaha Faransiiska ah.

Horjooge ka tirsan al-Shabaab oo la hadlay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inay dileen dhowr ka tirsan askarta Faransiiska, balse si madax-bannaan looma xaqiijin karo sheegashadaas.

Howlgalka ciidanka Faransiiska ay ka sameeyeen Buulo-Mareer ayaa imaanaya saacado kaddib markii Faransiiska uu ku dhawaaqay inuu faragelin milateri ka sameynayo dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Mali, si uu u taageero dowladda, ulana dagaallamo kooxaha Islaamiyiinta.

Ilaa hadda lama xaqiijin karo in labada dhacdo ay xiriirsanaayeen.

Goob-jooge ku sugan Buulo Mareer oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Cali ayaa sharraxaad ka bixiyay weerarka ay ciidanka Faransiiska geysteen habeenkii Jimcaha.

“Waxaan maqalnay qaraxyo is-xiga oo ay xigtay israaseyn il-biriqsiyo kaddib markii helikobtar ay soo dul martay magaalada,” ayuu u sheegay wakaaladda AP.

“Ma garaneyo sida ay wax u dhaceen, balse goobta ay wax ka dhaceen waxay saldhig u ahayd al-Shabaab.”

COMMENTS