July 10, 2014 | Posted by admin

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaarisa ee Gobalka NFD kooxo hubaysan ayaa toogtay nin ganacsade ahaa, kaasi oo ku sugnaa goobtiisa ganacsi.

Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Indho-buur, ayaa waxa uu dilkiisu dhacay casir liqii shalay galab, waxaana dhawaaqa rasaastii lagu dilay isugu soo baxay dadkii ka ag-dhowaa halkaasi.

Dadweyne gadoodsan, ayaa ku guuleystay inay qabtaan mid ka mid ah 2-dii nin ee dishay ganacsadaha, kaasoo ay ku wareejiyeen Ciidanka Booliska ee Magaalada Garissa.

Booliska, ayaa waxay goobaha caafimaadka geeyeen ninkaasi, oo ku dhaawacmay biro iyo dhegxaan ay la dhaceen dadkii ka gadoooday dilka ganacsadaha. Waxaana ninka la qabtay lagu sheegay inuu Soomaali yahay.

Dadka reer Garissa, ayaa si weyn u hadalhaaya dilka ganacsadaha iyo qabashada mid ka mid ah raggii dilkiisa geystay, oo ku jira gacanta Booliska.

Magaalada Garissa, ayaa waxaa ku sugan noocyada kala duwan ee Ciidamada Kenya, hadana waxay ka hortaggi la’yihiin dilalka sida joogtada ah kaga dhacaaya Magaaladaasi.

COMMENTS