September 25, 2012 | Posted by admin


Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki ayaa ka codsaday hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ururrada caalamiga ah inay ka shaqeeyaan sidii qaxootiga xeryaha Dhadhaab ku jira loogu rari lahaa meelaha laga saaray Shabaab, gargaarna loo siin lahaa.
Kibaki oo hadal ka jeediyay shirka Qaramada Midoobay ee New York ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ka codsaday inuu oggolaado in qaxootiga dalkooda lagu celiyo, isagoo sheegay in qaxooti ka badan 65 kun aan la xamili qarin.
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay ciidamada dowlada iyo AMISOM ay xoreeyeen goobo badan, xaaladda Soomaaliyana ay hadda ka duwan tahay sidii hore.
Mwai Kibaki wuxuu sheegay in Kenya ay ka go’an tahay soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

COMMENTS