March 22, 2015 | Posted by admin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Jen. Maxamed Maxamuud Saney Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xooga dalka Gobolada Shabellaha Dhexe, Shabellaha Hoose iyo Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa xilka looga qaaday taliyihii hore Jen. Maxamed Maxamuud Xasan (Qaafow), kaasoo xilkaas hayay labo sano ka badan.

Jen. Saney ayaa horay uga mid ahaa Taliyeyaashii Guutooyinka ciidanka xooga dalka, sidoo kalena waxaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada xooga dalka ee fadhigooda ahaa Wasaaradda Gaashaandhiga.

Taliyihii xilka laga qaaday Jen. Qaafow ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista, uuna ku faraxsan yahay, waxaan uu xusay in uu dhowaan xilka wareejin doono sida uu hadalka u dhigay.

“Xilka ma aanan wareejin, shalay ayaa la ii sheegay in la iga qaaday, waana soo dhoweynayaa, waana qaatay xil ka qaadistaas, qeybta aan hogaaminayay ee 12-ka April Labada Shabelle iyo banaadir, intii aan xilka hayay waxaa xoreynay deegaano badan, howlo adagna waa soo qabtay”ayuu yiri Jen, Qaafow oo la hadlay mid ka mid Idaacadaha Muqdisho.

Xil ka qaadistan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo maalmihii u dambeeyay la hadal hayay tallaabooyin is bedel loogu sameynayo hogaanada ciidamada dowladda iyo qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada.

COMMENTS