February 3, 2014 | Posted by admin
Hormud Telecom

Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa si weyn uga cabanaya khadka isgaarsiinta shirkadda Hormuud oo maalintii 3aad hawada ka maqan kadib markii kooxda Al Shabaab ay damiyeen qalabka Hormuud ee yaalay xarunta shirkaddu ay ku leedahay magaalada Jilib.

Dadka ku dhaqan Kismaayo, ayaa sheegay in ay si weyn u isticmaali jireen adeegga lacagaha la isugu diro ee EVC-Plus ee ay bixiso shirkadda Hormuud, iyadoo dad badanna ay lacagahoodii uga xayiran yihiin adeeggaas.

Maxamed Xaaji oo ka mid ah ganacsatada Kismaayo, ayaa Bar-kulan u sheegay in dhammaan dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee Kismaayo iyo qaybaha kale ee Jubbooyinka ay saameyn weyn ku yeelatay xirnaanshaha shirkadda Hormuud.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Hormuud oo la hadlay Radio Bar-kulan, balse diidey  in magacyadooda la xigto, ayaa  sheegay in wadahadal uu meel wanaagsan u marayo madaxda shirkadda iyo horjoogayaasha Al Shabaab.

Kooxda Al Shabaab, ayaa sanadkii 2011 joojisay adeegga lacagaha la isugu diro ee SAAD ee ay bixisho shirkadda Hormuud.

Sidoo kale kooxda Al Shabaab ayaa bishii hore ku amartay shirkadaha isgaarsiinta inay joojiyaan adeegyada internet-ka ee ay bixiyaan.

COMMENTS