March 22, 2015 | Posted by admin

150211100414_rouhani_512x288_fars
Madaxweynaha Iraan Xasan Rowxaani ayaa sheegaya in horumarka dhawaan laga gaaray wadahadalada ay uu dalkiisa la leeyahay mareykanka iyo quwadaha kale ee caalamka ay horseedi karaan xal laga gaaro muranka ku saabsan barnaamijka niyuukleerka Iran.
Waxaa uu sheegay in arrimihii xasaasiga ahaa ee lagu heshiin waayay ay wali taagan yihiin balse ma jirta buu yiri wax aan xal laga gaari karin.
Hadalka madaxweynaha Iran ayaa ku soo beegmaya toban maalmood uun ka hor muddadii kama dambeysta ahayd ee la doonayay in heshiis laga gaaro wada xaajoodka ku saabsan niyuukleerka Iran.
Xoghayaha arrimaha dibadda mareykanka John Kerry ayaa waxaa ka soo yeeray hadal la mid ah kaa uu jeediyay Rowxaani.
Kerry wuxuu sheegay in horumar la gaaray basle kala qaybsanaantii horey ay wali jirto, arrimahaasi oo la filayo in uu kala hadli doono hoggaamiyeyaasha kale ee reer Yurub.

COMMENTS