May 22, 2012 | Posted by admin

DUHUR-Kadib weeraro loo adeegsaday qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo maalmihii ugu danbeeyay ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha, ayeey ciidamada dowladda Soomaaliya hadda bilaabeen howlgal lagu sugayo amaanka suuqaas.

Dad ku sugan gudaha suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in howlgalkan oo ay ka qeyb-qaadanayaan ciidamo gaar ah uu ka socdo qeybta sarifka iyo waliba suuqa daawada ee gudaha Bakaaraha.

‘’Howlgalkan socda saameyn weyn ayuu ku yeeshay suuqa, waxaa inta badan xiran goobihii ganacsiga, iyadoo ay dadku ka baqayaan ciidamada xoog leh ee gaaf-wareegaya gudaha suuqa ayuu yiri,’’ qof ganacsade ah oo  ku sugan suuqa Bakaaraha.

Saraakiisha amniga maamulka gobollka Banaadir ayaa sheegay in dhinacooda ka go’an tahay in ay xaqiijiyaan nabad-galyada suuqa, oo maalmihii ugu danbeeyay aheyd mid xun, waxaana ay ugu baaqeen ganacsatada in ay is dajiyaan siina wataan howlahooda ganacsi.

Laamaha nabad-galyada ayaa rumeysan in wali qeybo ka mid ah suuqaas ku jiraan dhalinyarro ka tirsan Al-shabaab oo u jooga in ay dhibaateeyaan ciidamada dowladda ee loo xil saaray amaanka suuqa.

COMMENTS