November 23, 2012 | Posted by admin

Meydka horjooge ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cabdinuur Gacmoole Gardhuub ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu dilay howlgal ay sameeyeen ciidanka nabad-sugidda qaranka ee Soomaaliya.

Khaliif Axmed Ereg oo ah taliyaha ciidanka nabad-sugidda ee gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in horjoogaha ay dileen ciidamada nabad-sugidda, kaddib markii uu isku dayay in uu la dagaallamo iyagoo howlgallo wada.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay sidoo kale gacanta ku soo dhigeen dhowr maleeshiyo oo daacad u ahaa horjoogaha ay toogteen iyo hub ay wateen oo isugu jira qoryaha darandooriga u dhaca, baasuukayaal, bistoolado iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Cabdirisaaq Ibraahim Salaad oo ka mid ah maleeshiyada maanta la soo qabtay ayaa sheegay inuu la xiriiray ciidanka nabad-sugidda uuna siiyay warbixin ku saabsan guri ay hubka ugu heyn jireen Al-Shabaab.

COMMENTS