February 13, 2013 | Posted by admin

Golaha amaanka ee Q/midoobay ayaa maalinta Khamiista ah hadii alaha awooda lihi ogolaado ka doodaya arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya , waxaana kamid ah doorka q/midoobay ee xilliga cusub iyo isbadalka dhinaca hay’adaheeda , kaalinta ciidamada amisom ee Soomaliya iyo qaadista cunaqabataynta hubka oo 21 sano saarnayd soomalaiya.

Dooda golaha maanka oo sidoo kale la horgayndoono warbixin gudiga barista cunaqabaynta hubka ee Soomaaliya ayaa waxaa ay doodu dhacaysaa xilli Mareeykanka iyo Xoghayaya guud ee Q/midoobay ay u ololaynayaa sidii dawlada soomalaiya xayiraadaasi looga qaadi lahaa.

Danjire Ciid Maxamed Baddal oo ka qaybqaadanayay Barnaamijka falanqaynta Dhacdooyinka eek a baxa telefishinka Somalichannel iyo warbaahinta Dhacdooyinka.com ayaa sheegay in goluhu uu diirada saari doono sidii hay’adaha q/midoobay looga dhigi lahaa hal hay’ad si ay u yaraato dhaqaalaha faraha badan ee hay’adahaasi ku cunayaan magaca Soomaaliya.

Ciid Badal waxaa uu intaasi ku daray in ay dhawr hay’adood yihiin kuwa lagu maalgaliyo magaca Soomaaliya , waxaanauu sheegay in xaafiiska UNPOS oo ah xaafiiska Siyaasada ee uu madaxda ka yahay Ambassador Mahiga ay ku baxdo 17. Milyan halka hay’adaha kale sida UNDP, UNHCR,WFP,iyo kuwo kale ay ku baxdo3,billion oo doolar kuwaasi oo marka laga reebo UNPOS ay inta kale wali joogaan xaafiisyadooda Nairobi loona baahanyahay in lamidooye kadibna xaafiiskoodu noqdo Muqdisho.

Ciidamada Amisom ayaa iyagana laga hadlayaa doorkooda Mustaqbalka Soomaaliya iyo hadii ciidamadaasi ay ku shaqayndoonaa magaca ciidamada Amisom, Cida ay hoos imaanayaan oo loomalaynayo in ay noqondoonto dawlada Soomaaliya , waxaana ay ciidamadaasi sida la filayo hadii uu golhu go’aankiisu isku raaco hoos tagayaan taliyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Cunaqabataynta hubka oo ah qorshaha ugu wayn ee horyaala golaha amaanka ayaa waxaa in la qaado ka soo horjeeda Guddiga cunaqabataynta hubka oo sheegay in ay jirto baqdin la xiriirta in hubku uu gacanta u galo hogaamiye kooxeedkii soomaaliya iyo kooxo lagu sheegay in ay argagixiso yihiin.

Waxaa kale oo ay wakaaladaha wararka qaarkood soo saareen in Dawladaha Britain iyo faransiisku ka soo horjeedaan hase ahaatee arrintaasi waxaa gaashaanka ku dhuftay Absaddor Ciid oo sheegay in ay ka safaarad ahaan iyagu la xiriireen islamarkaana ay u sheegeen dublamaasiyiinta u joogta dawladaha Britain iyo faransiisku in aanay arrintaasi ka soo horjeedin.

Shirka maalinimada Khamiista ah ka dhicidoona hadii alaha awooda lihi ogolaado Xarunta Golaha amaanka ee Q/M ayaa waxaa dawlada Soomaaliya uga qayb gali doona wafdi sare oo ay hogaaminayso Ra iisalwasaare u xigeenka ahna wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Marwo Fawsiyo Yuusuf xaaji aadan, waxaana ay halkaasi ka jeedindoonaan khudbad la xiriirta qorshaha dawlada Soomaaliya iyo faa iidada ugu jirta Soomaaliya in laga qaado xayiraadii dhinaca hubka.

Dawlada soomalaiya ayaa aaminsan in xayiraada hubka oo la qaado gaar ahaan dhinaca dawlada oo kaliya ay horumar u keenayso dhismaha ciidamada qalabka sida , iyo awoodii ciidamada Soomaaliya oo dib markale u soo laabata, hase ahaatee  waxaan arrintaasi ku qanacsanayn qaar kamid ah maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya oo u arka in hubka Soomaaliya oo gacanta u galayo hal dhinac oo kaliya.

Dublamaasiyiin uu kamid yahay Ambassador C/rashiid seed ayaa u arka in kulanka golaha amaanka uu ka yeelanayo arrimaha soomaaliya ay faa iidada ugu fiican ka sokoow qaadista xayiraada dhinaca hubka Soomaaliya ay tahay , iyadoo hay’adaha dawlada awood loo siiyo in dhaqaalaha caalamku ugu deeqo Soomaaliya ay iyagu maamulaan halkii ay hay’adaha Q/midoobay dhaqaalaha loogu talo galay ku luminlahaayeen waxyaabo aan dan ugu jirin Soomaaliya.

Waxaa kale oo golaha amaanku ka hadli doonaa yaraynta Ciidamada Kenya oo tiro ahaa hada ay ka joogaan koonfurta Soomaaliya in kabadan afar kun iyo Shan boqol oo askari , waxaana la dhimi doonaa 20% , iyadoo booskaasina lagu badali doono ciidamo ka socda Sierra leone.

COMMENTS