February 3, 2011 | Posted by admin

Allaha u naxariistee ganacsade Marxuum Aadan Hilowle Maalin oo loo aqooni jiray Aadan Qarbax oo ay kooxo hubeysan habenkii xalay ahaa ay ku dileen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii ay ka qaateen lacago uu watay iyo bistoolad ay horey ugu sharciyeysan dowladda Kenya ayaa lagu aasay qabuuro ku yaala duleedka xaafadda Islii ee magaalad Nairobi.

Wariye Xasan Cali Geeseey oo aaska marxuumka ka qayb galay ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Aaska Marxuum Aadan Hilowle Maalin ay sidoo kale ka qayb galeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliye Cali Mahdi Maxamed, R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Max’ed Geedi, Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Max’ed Cali Nuur Ameeriko, Xldhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirro ka tirsan Dowladda Kenya, mas’uuliyiin kale oo Dowladda Soomaaliya ka mid ah iyo ururada bulshada rayidka ee dalka Kenya ku sugan.

” Aaska Marxuumka la dilay waxaa ka qeybgalay Soomaali farabadan, waxaanna ka codsanay Dowladda Kenya in aan sameeyno dibadbax balaaran oo aan ku muujineysno sida ay Soomaalidu uga xuntahay dilka loo geystay Marxaamkaasi” ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Ameerico

Allaha u naxariistee Marxuum Aadan Hilowle ayaa ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee dalka Kenya ku dhaqan.

Innaa Lilaahi wa innaa illeeyhi Rajucuun.

Mas’uuliyiintii ka qaybgashay aaska ayaa waxa ay dowlada Kenya ka dalbadeen in ay baaritaano ku sameysa dadkii ka dambeeyey falkaasi dilka ah ayna soo taagaan maxkamada dadkii ku lugyeesho dilka Ganacsadahaasi caanka ahaa ee maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

.

COMMENTS