March 10, 2012 | Posted by admin

Ugu yaraan labo ruuxoo rayid ah ayaa ku dhaawacantay qarax bambo gacmeed loo adeegsaday oo xalay ka dhacay meel u dhow isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid.

Dad deegaanka ah ayaa u sheegay warfaafinta in bambadu ay tuureen Rag aan la garan ka dibna ay baxsadee, waxaana dadka dhaawacmay ay ahaayeen dhalinyaro ku sugneyd meel u dhow goob ay ku sugnaayeen askar ka tirsan kuwa DKMG ah oo loo maleynayo inay bartil maameedka ahaayeen.

Labada ruux ee dhaawacantay ayaa la dhigay isbitaalada si loo daweeyo, waxaana qaraxa ka dib isgoyska hawlgal ka bilaabay ciidamada DKMG ah inkastoo aysan jirin cid ay xireeen.

Idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa kla dhacay Fagax ay ku dileen askar ka tirsan Dawlada oo ku sugnaa saldhig ay ku leeyihiin meel u dhow isgoyska Fagax.

Xaalada ayaa saaka degan, waxaana caadi ku bilawday isu socodka gaadiidka ee dadweynaha iyadoo ganacsiga degmadana uu saaka furan yahay.

Ma jirto saraakiil ka tirsan dawlada iyo maamulka degmada oo ka hadashay qaraxan.

COMMENTS