February 26, 2014 | Posted by admin

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Arbaco ku saxiixday magaalada Muqdisho heshiis ay ku xoojinayaan xiriirka iyo iskaashiga ay leeyihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goob-joog ahaa munaasabad ay heshiiska ku kala saxiixdeen wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska dhex maray labada dhinac, dowladdiisuna ay ka go’an tahay dhaqan-gelinta heshiiska.

Wasiirka arrimaha dibadd ee Soomaaliya, Beyle ayaa sheegay in garyaqaannada Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay si taxadar leh uga soo shaqeeyeen heshiiska, oo ah mid labada dhinac ay ku qanacsan yihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.

COMMENTS