April 13, 2015 | Posted by admin

Sharmaarke-Ridwaan-iyo-Gaas-300x200
Wada-hadallo u dhexeeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntlanad ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.
Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa saxaafadda u sheegay in labada dhinac ay ku heshiyeen qodobbo ay kamid yihiin, fulinta heshiisyadii horey loo galay, dhisidda ciidan qaran oo tayo leh,dhammeystirka maamul goboleedyada, sameynta guddiyo heer qaran ah,u diyaar garowga iyo qabashada madasha madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada iyo iskaashi dhex mara dowladda federaalka iyo maamullada kajira dalka.
Wuxuu tilmaamay in la isku raacay in maamul goboleedyada dalka ay wakiillo ku yeeshaan marka la sameynayo arrimaha sharuucda waddanka iyo hiigsiga sanadka 2016 ka.
Raysul wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa si isku mid ah u soo dhoweyeey qodobada ay ku heshiyeen, iyagoo xusay inay muhiim tahay, dhisidda ciidan qaran oo tayo leh, xaqiijinta hiigsiga, iyo ka shaqeynta nabadda iyo horumarinta dalka.
Wafdiga uu hoggaaminayay raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

COMMENTS