October 27, 2012 | Posted by admin
Dowlada Wadanka Australia ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in taageero dhan walba ah siineyso dowlada Uganda si ay ugu suurta gasho in sii wado howlgal ay ka wado Soomaaliya ee ku aadan ladagaanka Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka jira.

Safiirka dalka Australia ee dalka Uganda ninka lagu magacaabo Gudrun Gar , ayaa waxa uu sheegay in sii wadi doonaan taageerida ay siinayaan dowlada Uganda gaar ahaan ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya,isagoo safiirka sidoo kale shaaciyay in dhanka dhaqaalaha ay ka taageeri dioonaan dowlada uganda si ay ugu fududaato in howlgal ay sii wadaan ciidamada uganda Soomaaliya ku sugan si nabad loogu soo dabaalo Soomaaliya,sida uu yri Mr Gudrun Gar.

Safiirka dowlada Austaria u fadhiya dalka Uganda ayaa waxa uu tibaaxay in ciidamada Uganda ay ku sugan Soomaaliya ay u baahan yihiin,waxwalbo hadii ay noqon lahayd dhanka dhaqaalaha hadii ay noqon lahayd dhanka qalabka si ay usii wadaan nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.

Uganda ayaa ciidamo ay kaga sugan yihiin Soomaaliya,kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka loogu magacdaray AMISOM,kuwaasi oo loogu soo horjeedo Al-Shabaab iyo Al-Qaa’idada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Dowlada Australia ayaa balan qaaday in sii wadeyso taageerida ay siineyso ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Dowlada wadanka Ausralia ayaa waxa ay sheegtay in taageersan tahay howlgalka ka socda Soomaaliya ee wadamada ku bahooway Midowga Africa ay ka wadaan Soomaaliya.

COMMENTS