February 26, 2014 | Posted by admin

Dowladda Kenya ayaa adkeysay ammaanka garoomada dayuuradaha, iyadoo ka cabsi qabta in weeraro gantaalo ah lagu soo qaado.

Golaha ammaanka qaranka dalka Kenya ayaa codsaday in si weyn loo adkeeyo ammaanka garoonka dayuuradaha ee Jomo Kenyatta International Airport(JKIA) oo ah garoonka ugu weyn ee ku yaal geeska Afrika.

Waxaana uu goluhu uu amray in la kordhiyo garoonka dayuuradaha JKIA qalab casri ah oo lagu baaro dadka sida uu sheegay afhayeenka dowlada Kenya Manoah Esipisu.

Afar ruux oo asalkoodu yahay Soomaali ayaa sugaya maxkamad iyadoo loo haysto qarax ka dhacay garoonka dayuuradaha ee dalka Kenya balse qaraxaas ayaa hore dowlada Kenya waxa ay ugu tilmaantay in uu ahaa mid ka dhashay nal cillad gashay.

Golaha amniga qaranka dalka Kenya oo shalay kulmay iyadoo uu shir guddoominayay madaxweynaha dalka Kenya ayaa sidoo kale waxa ay ka hadleen arrinta ku saabsan kulamada ka dhaca goobaha lagu cibaadeysto.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro lagu eedeeyay in ay geysteen kooxo Islaamiyiin ah iyadoo weerarkii ugu cuslaana ay ku dhinteen 67ruux bishii September ee sanadkii hore.

COMMENTS