March 5, 2012 | Posted by admin

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa xalay duqeeyey deegaanka Diif ee gobolka Jubada Hoose kadib marki ay shalay aroorti hore qabsadeen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab.

Dagaalyahanada Al Shabaab ee la wareegay shalay Diif ayaa ku hubeysnaa ilaa iyo 15 gaari oo ah kuwa dagaalka sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta oo ay geysteen laba diyaaradood lala eegtay goobihi ay ku sugnaayeen al Shabaab, duqeynta kadibna waxaa goobta weerar ku qaaday maleeshiyada Jabhada Raaskambooni.

Lama oga qasaaraha kasoo gaaray Al Shabaab duqeynta, laakin warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkaasi cirka ahaa.

Deegaanka Diif ayaa waxa uu 3-km u jiraa xadka Kenya waxaana lagu tilmaamaa deegaanada muhiimka u ah ciidamada Kenya iyo Kuwa Soomaaliya.

COMMENTS