July 31, 2014 | Posted by admin

Muqdisho- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFSJ waxay horraantii bishan Luuliyo Muqdisho ku martiqaadday wafdiyo ka kala socday Maamulada Galmudug, Ximan & Xeeb, iyo Alsunna Wal Jamaaca.

Ujeeddada martiqaadka XFS u fidisay waxay ahayd in fursad loo sameeyo dadka degan gobollada Galgaduud iyo Mudug sidii ay si wadajir oh ugu sameysan lahaayeen maamul goboleed loo dhan yahay.

Xukuumaddu waxay u xilsaartay hoggaaminta dhismaha maamulkan guddi ka tirsan Golaha Wasiirada XFS, oo kala ah:

1. Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka. 2. Mustafa Sheekh Calil Dhuxulow, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinfa. 3. Ducaale Adarn Maxarned, Wasiirka Wasaaradda Hiddaha & Tacliinta Sare. 4. Mahad Maxamed Salaad, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigelinta Maalgashiga. 5. Axrned Cali Salaad, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta.

Kulamada ay Xukuumadda Federaalka la yeelatay dhinacyadan kor ku xusan iyo beelaha deegaanka, waxay bilowdeen 2dii Luuliyo 2014.Waxayna sigaar ah kulamo la tashi ula yeelatay dhinacyada kor ku xusan, kuwasoo ugu dambayn ku heshiiyay mabaadii’da asaasiga ah ee lagu dhisaayo maamulka Gobollada Galgaduud iyo Mudug.

2. Hadaba Dhinacyada kor ku xusan: • Iyadoo la garwaaqsaday, baahida loo qabo qorshe siyaasadeed 00 cad 00 lagu gaarayo dhismaha nidaam Maamul 00 rasmi ah 00 ku saleysan rabitaanka dadka, waafaqsanna Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee J.F.Soomaaliya, taasoo ay muuqato in dadku u hiyi qabaan.

• Iyadoo la ayidaayo, muhiimadda ay leedahay in la dhiiri galiyo heshiis loo dhanyahay, 00 horseedaya sharci iyo kala-dambeyn, bixinta adeegyada asaasiga ah iyo xoojinta maamulka heer degmo, gobol, iyo kan federaalka intaba. • Iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo, midnimada, madax-bannaanida iyo israacsanaanta dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. • Iyadoo ay lagama maarmaan tahay doorka hogaaminta XFS ee isku dubaridka hannaanka iyo geeddi socodka maamul u sameynta Goboladda Mudug iyo Gafgaduud .

3. Waxay isku of garfeen; 1. Inla dhiso maamul ay yeeshaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud. 2. In dhismaha maamulka ay ka qeyb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega Gobollada Mudug iyo Galgaduud. 3. In la dhiso guddi farsamo 00 ka kooban 25 xubnood 00 ka socda dhammaan beelaha dega gobolladaas. Guddigaas farsamo waxaa lagu soo magacaabayaa toban maalmood gudahooda marka la saxiixo heshiiskaan. 4. Maamulka la dhisayo isagoo matalaya dhammaan beelaha dega labadaas gobol wuxuu u hawlgalayaa si wadajir ah si loola dagaalamo nabad-diidka goboladaasna lagu soodabaalo nabad iyo xasilooni. 5. Geeddi socodka dhismaha maamulka waxaa lagu dhameystirayaa muddo kusiman 60 maalmood, waxaana fududeynaya XFS. 6. In la qabto shirweyne ay u dhan yihiin dhammaan beelaha degan gobolada Mudug iyo Galgaduud si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaas gobol. 7. XFS ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta, meel marinta iyo taabbo gelinta heshiiskan,siinayana wixii tasiilaad ah. 8. Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa s00 diyaarinaya XFS,kuna s00 celinaya saxiixayaasha. 9. ciddii carqaladeysa hannaanka geeddi socodkaan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade iyadoo laga qaadaayo tallaabada ku habboon.

10.Heshiiskaan wuxuu dhaqan galayaa laga billaabo maalinta la saxiixo. 11.Heshiiskan waxaa si wada jir ah u saxiixaya maamulka Galmudug, Maamulka Alsunna Wal Jamaaca , Maamulka Ximan & Xeeb, iyo 4 xubnood 00 Golaha Wasiirrada ee ka soo jeeda Gobolladaas.

Sexiixayaoshu waxay dhammaantood sexiixooda ku caddaynayaan waafaqsanaantooda dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada Galgaduud iyo Mudug 00 loo dhanyahay.

4. Magacyada Sexiixayaasha waa kuwan:

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, msamulka Galmudug.

ShekhIbraahim ShekhXasanGuureeye Maamulka Alsunna Waljamaaca

Cabdullaahi Maxamed Cali (Baarleex) Maamulka Ximan iyo Xeeb

Mustaf SheekhCali Dhuxulow

COMMENTS
  1. ceeldheer said:

    Where is mareeg state?? Away ninka aan doranay dayib. Baafin Nolan iyo geeri? 4 waceysle xata mel waa iskugu keeni waaye? Fashil Fashil Fashil, 2 sano xata magacisa iyo maqalkisa lama haayo,, dadka waa yaban yihin Walahi